U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti Oo Lagu Wareejiyey Maxaabiis Looga Qabsaday Dagaalkii Ay La Galeen Eretria

Sheeko:Dalka

Dowladda Jabuuti ayaa lagu wareejiyey Afar Maxaabiis oo looga qabsaday dagaalkii ay la galeen dowladda Eretria Sanadkii 2008, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Jabuuti.

Maxaabiistan oo shalay dib loogu soo celiyey dalkooda ayaa in lasoo daayo waxey ka dambeysay kadib markii dowladda Qatar ay dhex dhexaadin ka dhex billowday dowladaha Jabuuti Iyo Eretria.

Waxaa maxaabiistaan dalkooda kusoo celiyey Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar Maxamed Ibnu Cabdiraxmaan Bin Jaasim, waxaana garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Wasiirka Difaaca Jabuuti, iyo saraakiil Ciidan.

Cismaan Maxamuud Axmed oo ka mid ah Afarta Maxaabiis ee shalay dalkooda dib loogu soo celiyey ayaa warbaahinta u sheegay marxaladihii uu kala soo kulmay xabsiyada Eretria, waxaana uu sheegay in sanadkii 2008-da ay u gacan galeen dowladda Eretria.

Waxa uu tilmaamay in markii la qabaneyey ay difaacayeen dalkooda oo dagaal culus kula jiray Eretria, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maxamed Ibnu Cabdiraxmaan Bin Jaasim, wasiirka arrimaha dibadda Qatar oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hadda ay billaabatay in la’is dhaafsado maxaabiista, islamarkaana hadda loo gudbi doono ka hadalka arrimaha xuduudaha.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan dowladda Qatar dhexdhexaadintii ay Labadan dowladood ka dhex wadday muddo Lix Sano ah, waxaana uu sheegay in weli ay jiraan Maxaabiis kale oo iyaga ka maqan.

“Aad ayaan ugu mahacelinaynaa dowladda Qatar, ciidan tiradoodu tahay 19 ayaa naga maqnaa, Labo waxay ka baxsadeen Jeelalkii Eretria, maanta waxa noo soo noqday 4, waxaan war haynaa in Midna Jeelka uu ku dhintay, waxaa weli naga maqan 13 qof” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Jabuuti ayaa horay Qaramada Midoobay ugu gudbisay iney ka maqan yihiin 19 Askari, kuwaa oo looga qabsaday dagaalkii ay la galeen Eretria sanadkii 2008-da.

Goobjoog News