U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti Oo Shaacisay Tirada Shacabkii Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay tirada dadkii ku dhintay Rabshado dhawaan ka dhacay wadankaasi, kadib markii ay isku dhaceen sida la sheegay ciidanka Booliiska iyo dad shacab ah.

Wasiirka Ariimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in 7 qof oo shacab ah ay ku dhinteen rasbshadihii dalkiisa ka dhacay, sidoo kalena ay dhaawacmeen 73 qof oo 50 ka mid ah yihiin ciidanka Booliiska.

Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo culus oo Booliiska iyo shacabka soo gaaray, kuwaasi oo isbitaallada yaalla, balse waxa uu meesha ka saaray in iyaga ay si cad shacabka u weerareen.

Waxaa horay u jirtay warbixin madax banaan oo xaqiijinaysa in rabshadahaasi ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof.

Ciidamada Booliiska ayaa isku dayay inay kala eryaan dad isugu soo baxay xuska sheekh Yoonis Muuse oo ka soconayay xaafadda Balbala, hase ahaatee ay is hortaag kala kulmeen qaar ka mid ah dadka halkaasi ku sugan.

Mucaaradka Jabuuti ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si cad ay ciidanka Booliiska ugu soo qaadeen shacab iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka ah.

Goobjoog News