U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti Oo Taageertay Dadaallada Lagu Heshiisiinayo Beelihii Ku Dagaallamay B/weyne

Sheeko:Dalka

Dowladda Jabuuti ayaa taageertay dadaallada nabadeed oo laga dhex wado beelo dhowaan ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo gaaray magaalada Baladweyne ayaa bogaadiyay dedaallo nabadeed oo ka soconaya magaaladaasi.

Wuxuu sheegay in Jabuuti ay kaalin ka qaadanayso wada hadalka beelo dhowaan maleeshiyaadkooda ay ku dagaallameen qeybo kamid ah Baladweyne taas oo sababtay in qoysas badan ay isaga barakaceen.

Waxaa magaalada Baladweyne ka soconaya dadaal nabadeed lagu doonayo in lagu heshiisiiyo beeihii ku dagaallamay magaaladaasi, waxaana dhinaca kale arrintan kaalin ka qaadanaya ciidanka Jabuuti ee ka midka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee B/weyne.

Goobjoog News