U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Yeelanaysa Shirkad Duulimaad

Sheeko:Dalka

Markii ugu horeysey taariikhda, dowladda Jabuuti ayaa yeelanaysa shirkad duulimaad oo lagu magacaabo Jabuuti Air.

Saraakiil u hadashay dowladda Jabuuti ayaa xaqiijiyey in sanadkani dhamaadkiisa ay shirkadda Jabuuti Air ay bilaabi doonto daabulista xamuulka, halka sanadka 2016-ka ay bilaabayso dadka rakaabka ah.

Waxaa hadda diyaar ah hal diyaarad weyn oo lagu bilaabo hawlaha xamuulka, iyada oo la shaacin doono qorshayaasha kale ee shirkadda.

Agaasimaha shirkadda duulimaadka Jabuuti Abuukar Cumar Haaddi oo hadlay ayaa sheegey in talaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Jabuuti ee horumarinta ee sanadka 2035 in Jabuuti ay noqoto xarun ganacsi weyn oo geeska Afrika.

Goobjoog News