U bood dhigaalka

Dowladda Japan oo Gobolka Banaadir Ka Caawinaysa Hormarinta Caasimadda

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu daahfurey Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Kenya, Mashruuc wayn oo ay Dowlada Japan kacaawineysay Maamulka Gobolka Banaadir Khariidadeynta habka Dijital-ka ah ee dhamanaan Degmoiyinka Muqdisho.

Mashruucaan furitaankiisa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyada, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Agaasimaha Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha, Safiir Kuxigeenka Safaarada Japan ee Kenya, Howl wadeeno iyo Qubaro Japanese ah, waxaana shirka Martigaliyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Faaidada Mashruucan iyo ujeedooyinkaasa waxaa kamid noqon doona.
1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Topographic, 4-Horumarinta Nidaamka GIS Web, 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.

Goobjoog News