U bood dhigaalka

Dowladda Jarmalka oo saddex qof u xirtay tuhun la xiriira Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saddex ruux oo looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin xarakada Al-Shabaab ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Frankfort ee dalka Jarmalka.

Ragani ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Frankfort kadib safar ay kaga yimaadeen dalka Kenya.

Dowladda Jarmalka ayaa uga shakisan ragani in ay xiriir dhow la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Afhayeena u hadashay xeer ilaalinta guud ee magaalada Karlazarwa ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay in maanta xafiiska midowga la dagaalanka dambiyada ay gacanta ku dhigeen saddexda ruux.

Afhayeenaddu waxaa kaloo ay sheegtay in aysan jirin cadeymo rasmi ah oo muujinaya jiritaanka qorshayaal muujinaya   maleegida falal argagixo oo ka dhaca dalka Jarmalka.

Magacyada saddexda ruux ee la qabtay ayaa lagu sheegay:

1-Cabdi Salaan oo jira 23 sano jir ah.

2-Stephen oo 26 sano jir ah.

3-Cabdullaahi oo 28 sano jir ah.

Waxaa lagu wadaa in xeer beegta guud ee Jarmalku ay shaaciyaan faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan eedeysanayaasha la hayo.

W/D: Cabdiraxmaan Daahir Guutaale Maaliki