U bood dhigaalka

Dowladda Jibouti oo Muqdisho u soo diraysa Dhaqaatiir

Sheeko:Amniga

Dowladda Jabuti ayaa sheegtay in ay Muqdisho u soo dirayso dhaqaatiir, qayb ka noqota gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii bilawgii Isbuucaan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ra’iisulwasaaraha Jabuti ayaa sheegay in ay qayb ka noqonayaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay.

Ra’iisulwasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa wasiirka caafimaadka Jabuti faray in si degdeg ah Muqdisho loogu qaado dhaqaatiir gurmadka ka qayb gasha.

“Diyaarad sidda Kooxda Caafimaadka & Agabka ay adeegsadayaan ayaa Arbacada 2da November gaareysa Magaalada Muqdisho si ay qayb uga qaataan daryeelka loo fidinayo Bukaannada ku dhaawacmay qaraxyadii Argagixiso ee Muqdisho ka dhacay, Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay garab taagan tahay Walaalaha Soomaaliyeed, waxaa la qiimeyn doonnaa dadka dhaawacyada qaba si kuwa u baahan caafimaad dibadda ah loo keenno halkaan” Ra’iisulwasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Sikastaba dowladda Jabuti ayaa horay sidaan oo kale gurmad wayn u fidisay bulshada Soomaaliyeed sanadkii 2017-dii markii uu dhacay qaraxii Zoobe 1.

Goobjoog News