U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geyneysa Magaalada Mandhera

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhowaan ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto magaalada Mandhera ee gobolka NFD, halkaasi oo ay sheegeen iney kusoo bateen falal ka dhan ah amniga.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto oo shalay garay magaalada Mandhera ayaa sheegay in ay sii kordheen weerarada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Magaaladaasi, ka dowlad ahaanna ay waajib ka saaran tahay sidii ay amniga Madhera ku xaqiijin lahaayeen.

Ciidamada ammaanka hadda jooga ayuu sheegay in lagu xoojinayo tiro kale, balse ma aanu carabaabin tirada rasmiga ah ee ciidanka dheeraadka noqonayaan.

“Si amniga Mandhera loo xaqiijiyo waa lagama maarman in ciidan kale oo dheeraad ah kusoo xoojinno Magaaladan, waxaa batay weerarada ay Al-shabaab ka geystaan Mandhera, balse waxaan rajeyneynaa inan soo afjari doonno” ayuu yiri Ruto.

Sanadkii 2011, wixii ka dambeeyay Al-shabaab waxay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah dalka Kenya, sababtuna waxay ahayd sanadkaasi waxaa dalka soo galay ciidamo Kenyan ah.

Goobjoog News