U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Hawlgalineysa Ciidamo Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Sida ay soo qoreen qaar ka mid ah wargeysyada Kenya, booliska dalkaasi iyo hey’adda nabad suggida ayaa wada qorshe ay ku hawlgalinayaan ciidamo u dhashay qoowmiyadda Soomaalida ee dalkaasi degen, kuwaasi oo la geynayo meelaha ay inta badan ka dhacaan weerarada Alshabaab ay geysato.

Qorshahan oo isaga oo qoraal ah loo qeybiyey laamaha amniga, kuna saxiixan taliyaha booliiska sida uu qorey wargeyska Star ee Nairobi kasoo baxa, ayaa waxa uu qeexayaa in ciidamada asalkoodu yahay Soomaalida ay ku habboonyihiin in ay durba ka hortagaan weerarada lagu qaado Kenya.

Mid ka mid ah saraakiisha xog ogaalka u ah qorshaha ayaa wargeyska u sheegey in askarta Soomaalida ay durba ka war heli karaan sirta iyo shirqoolada la maleegayo iyo weerarada dhici kara, iyo haddii uu weerar dhoco in durba lasoo helo dadkii geystey.

Guddoomiyaha guddiga qaranka ee booliska Kenya Johnston Kavuludi ayuu wargeyska kasoo xigtey isagoo leh “Waxaan helney waraaqo badan oo arji ah oo dadka Kenyanka oo dhan ay soo dirsadeen, umana maleynayo in aan raadineyno in aan qorano Soomaalida oo kaliya si loola tacaalo xaaladda ka jirta gobolka Waqooyi Bari Kenya”.

Afhayeenka Booliiska Kenya George Kinoti ayaa beeniyey warka ku saabsan in Soomaalida kaliya la qoranay, balse waxa uu yiri “Waa saraakiil booliiska ka tirsan, waana in meeshii loo diro oo dalka ka mid ah ka hawlgalaan” .

Kenya ayaa xal u raadineysa sidii ay u joojin lahayd weerarada joogtada ah ee Alshabaab ay ku qaadanayaan gudaha dalkaasi, kuwaasi oo qasaaro badan uu ka dhashay.

Goobjoog News