U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa qoraal shalay gelinkii dambe ay soo saartay ku joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

maanta wixii ka dambeeya Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho waxay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, halkaasi oo baaritaano lagula sameyn doono, intaasi kadibna ay Nairobi uga sii gudbi doonto.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay ilaa hadda in Dowladda Kenya aysan cadeyn sababta talaabadan ay u qaaday, balse wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaliya ay arrintan ku heyso baaritaan dhab ah.

“Waa sax warkaasi war ay soo saartay Kenya ayay ku sheegtay Diyaaradaha ka duula Muqdisho inay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, ilaa hadda sababta nalooma sheegin, balse wada hadal ayaa socda, Garoonkeena amnigiisa waa mid aad u sareeyo, ma dooneyno inaan ka hor dhacno, iyaga ayaan ka war sugeynaa”. ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa jiray heshiis dhexmaray Dowladda Somaliya iyo Kenya, kaasi oo sahlay in Diyaarada ka duusha Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi xilli markii hore ay sii mari jireen Magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari.

Goobjoog News