U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku dhaliilay dowladda Kenya in ay si xun ula dhaqmayso shacabka oomaaliyeed ee dalkeeda Qaxootiga ku ah.

Nabadoon Jamaal Xaaji Cali oo Wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Kenya ay ilowday derisnimada iyo sidoo kale abaalkii hore ee loo galay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu Nabadoonka tilmaamay in marnaba Kenya ayaa loo baahneen in ay shacabka Soomaaliyeed ugu caga jugleyso in muddo 90 cisho ah ay dalkooda uga soo saareyso.

“Waxaan ka xumahay madaxweyne ku xigeenka Kenya hadalka kasoo yeeray ee ah in dadka walaalahooda oo dalkooda ku qaxay ay dhahaan dib ayaa la’idiin celinaa,sidoo kale waxaan ka xunnahay in xawaaladahii laga xiray dadkii, waana wax aynu ka xunnahay, waxaan u aragnaa in shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya si xun loola dhaqmayo”

Dhinaca kale Nabadoon Jamaal ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen shacabkaasi, islamarkaana ay u istaagi lahaayeen sidii ay dadkooda dib usoo celin lahaayeen.

Goobjoog News