U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Sheegtay In Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Ku Dishay Gobolka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidankooda ku sugan gobolka Jubada Hoose ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab kadib howlgallo ay  sameeyeen.

Ciidanka Kenya oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ayeey dowladda Kenya sheegtay iney dileen 25 dagaalyahanno oo Al-shabaab ah, Saddex ka mid ah ay ahaayeen saraakiil sare oo dhanka farsamada qaabilsanaa.

Weerarka Koowaad ayeey sheegeen iney ku qaadeen deegaanka Goobweyn, halkaasi oo ay tilmaameen iney ku dileen 20 dagaalyahanno.

Sidoo kale weerarka xiga ayeey sheegeen inay ku qaadeen deegaanka Wirkooy ee Jubada Hoose, halkaasi oo 5 dagaalyahan lagu dilay waa sida dowladda Kenya sheegtay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Kenya ayaa iyaguna sheegay in howlgalladaasi ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo weli gobolka Jubada Hoose ka soconaya.

Al-shabaab kama aanay hadal askartaan la sheegay in looga dilay gobolka Jubada Hoose, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe gobollada Jubbooyinka ka wada howlgallada ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News