U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Sheegtay Inay Dishay Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay dishay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab kaasi oo in muddo ah ay baadigoogabayeen.

Howlgal ay ciidanka Kenya ka sameeyeen magaalada Kwale ayaa lagu sheegay in lagu dilay sarkaalkan.

Taliyaha Booliiska Kwale Francis Wanjohi ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen xog sheegaysa in deegaankaasi uu ku sugan yahay sarkaalkan iyo rag kale oo la socday.

Waxa uu xaqiijiyey Taliyaha in sidoo kale ay qabteen Iidris Aadan oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee Kenyanka ah, sidoo kalena baadi goobayaan rag kale.

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ka wadeen gudaha dalkooda kuwaasi oo ay ku baacsanayaan dagaalyahannada ka midka ah Al-shabaab.

Goobjoog News