Dowladda Koonfurta Suudaan Oo Diidan Ku Soo Noqoshada Miiska Wada-hadalka

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa diiday in ay saxiixdo qaab lagu fududeynayo soo nooleynayo heshiiskii nabad-gelyada iyaga iyo mucaaradka kaas oo burburay sanadkii 2015kii.

Wafdi ka socda oo dowladda ayaa diiday saxiixa heshiiskan lagu soo nooleyn lahaa wajiga 2aad ee wada hadalka iyaga oo iska diiday qodobka la xiriirka in tillaabo laga qaado shakhsiyaad ka hor-yimaada hirgelinta heshiisyada.

Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan  Michael Makuei  oo jimcadii warbaahinta kula hadlayey magaalada Adis-ababa halkaasi oo lagu qabanayo wadahadallada ayaa sheegay in wakiillada dowladda Suudaan aysan ku qasbaneen saxiixa arrinkan.

Makuei waxa uu sidoo kale sheegay in wafdiga xukuumadda Koofurta Suudaan uu iska tuuri doono warka ku xusan qodobka 28-aad ee la shaaciyey.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW