U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay doorashooyinka Soomaaliya, furitaanka Kalfadhigii Kowaad ee ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale hannaanka hadda loo wajahayo doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saarey kaaliyaha arrimaha bulshada ee Maraykanka John Kirby ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed furitaanka kulankii baarlamaanka, sheegayna iney tahay tallaabo horumar siyaasadeed oo horey loo qaadey.

Waxa uu sheegay Kirby in wax lagu farxo ay tahay in la mudeeyo waqtiga ay dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, waxaana uu ku baaqey in la dedejiyo doorashooyinka soo socda.

Qoraalkan ayaa madaxda hoggaanka madasha qaran waxaa loogu baaqey iney ilaaliyaan tixgelinna siiyaan guddiga doorashada heer Federaal si loo dhameystiro hannaanka doorashooyinka ee baarlamaanka.

Ugu dambeyn dowladda Maraykanka waxay tacsi ka direy khasaarihii ka dhashay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Goobjoog News