U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Lacag Dul Dhigtay Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doolar waxa ay dul dhigtay saraakiil ka mid ah Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo ay sheegeen in la abaal marin doono ciddi sheegta ama u geysa macluumaad saraakiishaasi ku saabsan.

Waxaa ugu horeeya saraakiisha lacagta la dul dhigay Abu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab, waxaana la dul dhigay lacag dhan Lix Milyan oo doolar.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in min Shan Milyan oo doolar ay dul dhigtay saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo magacyadooda ku sheegtay Mahad Karatey, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye.

Min Seddax Malyan oo dolar ayeey sidoo kale dowladda Maraykanka sheegtay inay dul dhigtay Macallin Salmaan iyo Axmed Imam Cali oo wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka ku eedeysay inay kala qaabilsan yihiin hogaanka dagaalyahanada Al-shabaab ee Bariga Afrika iyo sidoo kale askareenta dhallinyarada Kenya u dhashay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Maraykanka lacago dul dhigto saraakiil ka mid ah Al-shabaab, horay sidaan oo kale ayee madax ka tirsan ururkaasi lacago u dul dhigeen.

Goobjoog News