U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Mar Kale Sheegtay Inay Taageerayso Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay ka taaageeri doonto doorashada la filayo in sanadkaan dalka ay ka dhacdo.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay ka qeybqaadan doonto dhiiro-gelinta doorashada 2016 ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka taageeri doonaan dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimoqraadiyadda.

Doorashada sanadkaan la filayo in dalka ka dhacdo ayaa xoghaye Kerry wuxuu ku sheegay inay ka rajeynayaan inay noqoto mid dhabaha u xaarto nabadda, diqmoqraadiyadda iyo barqaaqo ay gaarto Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Maraykanka ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ahayd ay guddiga doorashada dadban ee 2016 ku dhawaaqeen jadwalka doorasho ee dalka.

Dalalka sida dhow saaxiibada ula ah Soomaaliya ayaa daneynaya doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadkaan.

Goobjoog News