U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Sheegtay In Ay Duqeyn Ku Dishay 150 Ka Tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn dhinaca cirka ah ku dishay 150 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada Al-shabab iyadoo Mareykanku uu ku tilmaamay duqeyntaas mid looga hortagayey Qatar kusoo fool lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka oo ka hadleysay qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Mareykanka waxayna intaas ku dartay in la weeraray xero ay ku tababaranayeen ciidamada xarakada Al-shabab.

Duqeynta oo dhacday sababtidii ayaa ka dhacday meel u jirta Muqdisho 12 mile dhinaca waqooyi lana beegsaday xero tababar oo lagu magacaabo “Raso Camp,”  sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka Captain Jeff Davis.

Xeradaan lagu tababaro dagaalyahanada Al-shabaab ayaa waxaa sahan ku sameeyey ciidamo gaar ah oo ka socda dowladda Mareykanka dhawr usbuuc ayuu yiri Davis wuxuuna intaas ku daray in xerada ay ku jiraan illaa 200 oo dagaalyahan oo ay ka mid yihiin tababareyaal.

Sarkaal u hadlay ciidamada Mareykanka ayaa u sheegay telefishinka CNN in dagaalyahanada Al-shabab ee la duquuyey ay joogeen bannnaanka hore ee xerada markii duqeyntu ku billaabatay.

Xog la heley ayaa lagu ogaaday in kooxdu ay halkaas muddo ku tababareysay ciidamadeeda iyadoo xilliga duqeynta ay dhaceysay ay u taagnaayeen xilligii ugu dambeeyey ee tababarkooda waxaana loo diyaarinayey iney weeraro culus ku qaadaan ciidamada midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliye sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka Davis.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka mareykanka lagu difaacayey hawlgalka Amisom ee Soomaaliya iyadoo ciidamada Alshabab ee loo diyaarinayey iney weeraro geystaan laga hortagay.

Warbixinta wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu tilmaamay in weerarka loo geystay xarakada Alshabab ay hoos u dhigeyso awoodda Alshabab.sida iney qortaan ciidamo cusub, iney dhisaan goobo lagu tababarto iyo iney qorsheeyaan weeraro ka dhan ah dowladda Mareykanka iyo Midowga Africa.

Goobjoog News