U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Taageerayso Doorashooyinka Ka Dhici Doona Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay taageero ka geysan doonto doorashooyinka la filayo in sanadkaan 2016 ay ka dhacaan gudaha dalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya ay ballaarinayaan si doorashada u noqoto mid u dhacda sidii loogu talagalay iyo ka wanaagsan.

Kerry ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay garab ku siin doonaan dadaalka ay ku doonayso in loo gaaro horumar ballaaran.

Waxa uu rajo ka muujiyey in doorashada dalka ka dhici doonta sanadkaan ay noqoto mid u dhacda qaab ammaan ah iyo waliba dimuqraadiyad ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sanadkan 2016 waxaa dalka ka dhici doona doorashooyinka dadbadana, waxaana lasoo dhisi doonaa baarlamaan cusub, waxaana la dooran doonaa madaxweyne.

Goobjoog News