U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo sheegtey in aysan wafdi u direynin shirka Copenhagen khilaafka madaxda dartiis

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa soo saartay war qoraal ah oo uu si kulul oga hadlayo khilaafka madaxweynaha Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iuslwasaaraha Cabdiwali Sheekh Axmed, wuxuuna sheegey in mooshinka laga geeyey Ra’isulwasaaraha uusan ahayn mid danta Soomaaliyeed ku jirto.

Warka qoraalka ah waxaa lagu sheegey in Maraykanka ay ka go’antahay fulinta ujeedooyinka shirka hiigsiga cusub ee Copenhagen, balse wuxuu sheegey in maadaamaa madaxda Soomaalida ay ku mashquuleen khilaafka, in uusan wafti u diri doonin shirkaasi.

Wuxuu intaasi ku daray Maraykanka in uu beesha caalamka uu kala mideysanyahay baaqa ah in dowladda federaalka in si buuxda loo fuliyo aragtida sanadka 2016-ka , si ka saraysana looga fikiro khilaafka lagu mashquuley kaasi oo hawlo muhiim ah hor istaagaya.

Goobjoog News