U bood dhigaalka

Soomaali lala xiriirinaayo in ay xiriir la leeyihiin Ururka Daacish oo lagu xiray dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

DaacishCabdi Nuur iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ah wiilal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu xirey dalka Maraykanka, kadib markii lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Sida uu sheegey ku xigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka John Carlin , mid ka mid ah wiilashani oo ah Cabdi Nuur ayaa bishii May ee sanadkani u socdaalay dalka Turkiga si uu oga barbar dagaalamo kooxda Daacish, balse bishii June ayuu ku laabtay dalka Maraykanka.

“16 kun oo dagaalyahan oo ka tagtay illaa 90 wadan ayaa u safray dalka Suuriya si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada, tanina waa wax laga walwalo” ayuu yiri mas’uulkani.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka tagtay gobolka Minnesota ayaa aaday dalka Siiriya si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Illaa 12 Soomaali ah ayay dowladda Maraykanka diiwaangalisey in ay Daacish ka barbar dagaalamayaan, kuwaasi oo ka tagay dalka Maraykanka.

Dhanka kale waxaa gobolka Minnesota ka socda siminaaro iyo kulamo wacyigalineed oo ay wadaan dowladda Maraykanka iyo ururada Soomaalida oo iskaashanaya, waxaa ka mid ah urur lagu magacaabo Ka Joog, waxayna dhalinyarada u sheegayaan halista ay leedahay ku biirista Daacish.

Ka Joog
Goobjoog News