U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka Malaayiin Dollar Duldhigtay Afhayeen Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareynka ayaa ku dhawaaqday in lacag ay dul dhigtay madaxiiisa Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, kaas oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab. Abaalmarintaan lacageed ayaa la sheegay in ay gaarayso 5 Million oo Dollar, oo qeyb ka ah Barnaamijka abaal marinta Cadaaladda ee Waaxda arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in Cali Dheere uu ku lug lahaa weerarro lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyo kuwa dhashay dalka Mareykanka sida lagu sheegay qeyb kamid ah bayaanka, Cali oo ah Afhayeenka Kooxda ayaa inta badan kasoo muuqda baraha bulshada ay isticmaalaan Al-shabaab, waa shaqsi inta badan la arko oo soo muuqda isaga oo hadlaya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Mareykanka ay dul dhigto lacaga abaal marin ah horjoogayaasha sare ee Kooxda Al-shabaab, waxaana talaabadaani ay kusoo beegmeysa iyadoo inta badan gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah Al-shabaab oo  looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ay horay uga talin jirtay kooxda.

Goobjoog News