U bood dhigaalka

Dowladda Masar oo ku baaqday in la dhexgalo Madaxda dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowlada Masar ayaa ugu baaqday dalalka Carabta iney kullan deg deg ah ka yeeshaan qilaafka u dhaxeeya madaxwenaha Soomaliya iyo Ra’isulwasaarihiisa.

Kullan ay ku baaqday dowlada Masar ayaa la doonayaa in looga wada hadlo sidii xal looga gaari lahaa qilaafka u dhaxeeya labada Mas’uul ee dowladda soomaaliya ugu sareeya.

Kullankan ayaa waxaa ku baaqay wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Masar Sameh Shoukry wuxuuna carabka ku adkeeyey in wadamada Carabta ay muhiimad u leedahay xalinta qilaafkan wuxuuna ugu baaqay iney doorkooda ka ciyaaraan sidii loo xalin lahaa.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar wuxuu sheegay In qilaafkani uu yeelan karo saameyn aan wanaagsaneyn islamarkaana uu dib u dhigi karo geedi socodkii la doonayey in dib loogu dhiso Somalia dib u heshiisiintii qaran iyo in la qabto doorasho sanadka 2016ka.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar wuxuu shegay in dowlada Masar ay aad u daneyneyso la socoshada xaalada Somalia wuxuu intaas ku daray in labada dal ay leeyihiin xiriir taariiqi ah

Wasiirku wuxuu sheegay in ay tahay in Somalia laga caawiyo sidii ay u heli lahayd ammaan iyo degenaansho, Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Masar ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo kullan wasiireed looga hadlayo arrimaha Somalia 19-20 bishan November kaasoo ka dhici doona magaalada Copenhagen si loo taageero da,daalada la doonayo in sanadka 2016ka ay soomaaliya ka dhacdo doorasho.

Xigasho: (KUNA).