U bood dhigaalka

Dowladda Norway oo Soomaaliya Ka Taageereysa Hormarinta Kalluunka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Mudane, Axmed Xasan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 bishan magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark uga qeybgalay shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen, kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Xasan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceed muhiim ah la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo, Anne Beathe Tvinnereim, iyada oo ballan qaadday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sidii loo horumarin lahaa dhqaalaha kalluumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kalluumeysiga.

Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida anay Soomaaliya u doonayn gargaar ee ay diyaar uga tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah , iyadoo Norwayna ay tahay waddamada sida weyn ugu horumaray dhanka Kalluumeysiga.

Goobjoog News