U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ciidama Haramacad Geeysay Baladweeyne Akhriso Ujeedka

Sheeko:Amniga

Boqolaal Askari oo katirsan Ciidamada Haram’cad ee uu Turkiga tababarey ayaa diyaarado lagu geeyay 24-kii saac ee ugu dambeeyay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo laga diray Muqdisho ayaa la geeyay saldhigyo Beledweyne ku yaalla, oo la sheegay in mudooyinkii dambe lagu diyaarinayay duulaan ka dhan ah Jen Xuud, oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhisay Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa Beledweyne ku sugnaa mudooyinkii dambe, oo u tagey dejinta Xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan oo u dhaxaysa Jen Xuud iyo Hirshabeelle.

Wararkii ugu danebyay ee aan ka heleyno deeganada Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay soo xirmeen dhamaan albaabadii wada hadalka Dowladda iyo Generaal Xuud .