U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaasi geysay ciidamo dheeraad ah kadib dagaal shalay ka dhacay degmadaasi.

Goob Joogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo badan oo ka tirsan dowladda la geeyey degmadaasi, kuwaa oo sugaya amniga Afgooye.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in sidoo  kale ciidamada dowladda ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Afgooye, iyadoo dhanka kalena lasoo sheegayo in Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanno ku dhow degmadaasi.

Xaaladdda guud ee degmada Afgooye waa mid deggan, iyadoo maamulka degmadaasi iyo saraakiisha ciidanka ay ka gaabsadeen iney faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan ciidankaan dheeraadka ah ee la geeyay Afgooye.

Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaal ay la galeen ciidanka dowladda uu sababay dhimashada in ka badan 10.

Goobjoog News