U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ciidamo Gaar Ah u Diyaarisay Amniga Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub, oo lagu adkeynayo amaanka Muqdisho xilli bisha Ramadaan, ay bilashadeeda maalmo kaliya ka harsan tahay.

Ciidamo isku dhaf ah, oo laga soo xulay Militeriga, Booliska, Nabad Sugida iyo Asluubta ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho kuwaasi oo loo dhamaystiray agabkooda iyo Gaadiidkii ay ku howlgali lahaayeen.

Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Muuse iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in ciidamadani yihiin kuwa loo soo xulay xaqiijinta caasimadda.

Maalmihii dambe waxaa degmooyin ka tirsan gobolkani Banaadir ka dhacayey dilal loo geysanayey mas’uuliyiin, askar ciidamada dowladda ka tirsan iyo dad kale.

Qorshahan ayaa ah mid dowladda ugu diyaar garowday kahor tagista weerarada Al-shabaab ay fulin karaan xilli Ramadan-ka.