U bood dhigaalka

Dowladda oo Dhameystirtey Maamulka Sh/Dhexe iyo Xubnihii Cusbaa oo Jowhar Gaarey

Sheeko:Dalka

GuudlaaweWafti balaaran oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada Jowhar, halkaasi oo xaflad balaaran oo soo dhaweyn ah loogu qabtay.

Waftiga dowladda ayaa waxa ay Jowhar geeyeen xubno cusub oo lagu dhameystirayo maamulka gobolka Shabeelada Dhexe sida guddoomiye ku xigeeno dhawr ah, Hanti Dhawrka Guud ee gobolka iyo Guddoomiyaha degmada Jowhar.

Mas’uuliyiinta cusub ayaa mid mid looga yeeriyey magacyadooda iyo xilalka ay hayaan, iyada oo uu u dhacay sacab badan.

Guddoomiyaha cusub ee Jowhar Maxamed Cali Muudey oo madasha ka hadlay ayaa shacabka ka codsaday in ay maamulka la shaqeeyaan, nabad iyo caddaaladna lagu soo dabaalo.

Guddoomiyaha Shabeelada Dhexe mudane Cali Guudlaawe oo isna hadal jeediyey ayaa xubnaha cusub soo dhaweeyey.

Dhageyso

 

Goobjoog News