U bood dhigaalka

Dowladda Oo Dib u Furtay Wadada 26-ka Juun

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay dib u furtay wadada 26-ka Juun ee loo yaqaan Shaqaalaha, taasi oo muddo u xirneyd arrimo amni.

Maamulkaa gobolka Banaadir oo kaashanaya wasaaradda amniga gudaha ayaa furay wadadan oo isku xireysa waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama.

Waxay wadadani ka baxdaa Nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, waxaana ay si toos ah u tagtaa isgoyska Sheekh Cali Suufi ama KPP.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadadaasi maanta wixii ka dambeeya ay dadka si caadi ah u isticmaali karaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in wadadan maanta wixii ka dambeeya furan tahay oo ay isticmaali karaan, waxaan sidoo kale shacabka ka codsaneynaa iney amniga nagala shaqeeyaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uga mahadcelinayo howsha ay qabteen, wuxuuna dhanka kale shacabka ugu baaqay iney amniga kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Waxaan ka codsanayaa in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo degmo walbo maamulkeeda, waxaa go’aan naga ah inta hartay waddooyinka xiran ee magaalada in la furi doono” ayuu yiri wasiirka.

Wadadan muddo badan xirneyd ayaa wax badan ka bedali doonta isku socodka magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidku ay heli doonaan meello ay ku kala nafisaan.

Goobjoog News