U bood dhigaalka

Dowladda Oo Furtay Waddooyinkii Xirnaa Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dib u furtay dhammaan waddooyinkii xirnaa ee magaalada Muqdisho, in ka badan 5 maalin oo ay xirnaayeen.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo ogolaaday iney isticmaalaan waddooyinka kala ah Makka Al-mukarrama, Wadnaha iyo Soddonka kuwaasi oo maalmo aanay gaadiidka shacabka marin.

Saakadii hore waa ay xirnaayeen waddooyinka, hase ahaatee goor dhow ayaa dhammaantood la furay.

Maalmihii ay xirnaayeen waddooyinka Muqdisho waxay saameynta ugu badan soo gaartay dadka shacab ah oo magaalada ku dhex lugeynayey, maadaama ay waayeen gaadiid ay raacaan.

Sidoo kale waddooyinka xirnaa waxay kusoo beegmeen maalmihii ciidda oo shacabka Muqdisho sidii la rabey aanay u dabaaldegin.

Ulajeedka waddooyinka Muqdisho loo xirey ayaa ahayd shirka madaxda IGAD oo magaalada lagu qabanayey, kaasi oo maalintii shalay ahayd lasoo gebogebeeyay.

Goobjoog News