U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ganacsatada Uga Digtay Bad Xiran-ka

Sheeko:Dalka

Wasaarradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda federaalka Soomaaliya ayaa dignin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee isticmaala Dekadaha dalka, maadama la gaaray xilligii bad xeranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in la gaaray xilligii bad xeranka, ayna ugu digayaan maraakiibta iyo doon yaha yar yar isticmaalka badda maadama ay badda xilliyadan oo kale ka jiraan muujado iyo dabeeylo xoogan.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in maraakiibta uu culeys koodu ka yar yahay 1200 MT ilaa 1500mt iyo doon yaha yar yar ay isticmaali karin badda xilliyadan oo kale sanad waliba, loona baahanyahay in ganacsatadu aysan arrintan fududeysan oo ay ka digtoonaadaan maraakiibta ay isticmaalayaan.

Goobjoog News