U bood dhigaalka

Dowladda oo Heyadaha Gargaarka Ka Dalabtay Hufnaan

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid oo wareysi siiyey wargeyska Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegey in hey’adaha gargaarka ee Soomaaliya loo baahanyahay in lala xisaabtamo.

“Qof kasta waxa uu na weeydiiyaa in aan noqono kuwa hufan, waana nahayba, balse hey’adaha wax naloosoo mariyo laftooda waa in lala xisaabtamaa, oo ay jirtaa huftaan, dowladaha wax bixinaya ay ogyihiin halka ay mareen wixii ay bixiyeen” ayuu yiri Cumar Cabdirishiid.

Waxa kale oo uu tusaale usoo qaatay dalka Rwanda oo uu sheegey in ay si wanaagsan u isticmaaleen kaalmada caalamka siiyo, taasina ay ugu wacantahay in Rwanda ay iyadu maamulato gargaarka la siiyo, haddii la doonayo in natiijo la gaarana ay tahay in Soomaaliya sidaas oo kale la maraa.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhanka kale sheegey in xukuumadiisa ay dadka in badan dhageysan doonto, hadalkeeduna gaabnaan doono, isaga oo rajo ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto horumar culus.

Goobjoog News