U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ka Hadashay Dhallinyaro Laga Soo Musaafuriyey Maraykanka

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhallinyaro Soomaaliyeed oo maalintii shalay ahayd la keenay magaalada Muqdisho kuwaasi oo laga soo musaafuriyey wadanka Maraykanka.

Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhallinyaradan ay tiradooda gaareyso 70 qof, islamarkaana dowladda ay a war haysay.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhallinyaradan laga keenay Maraykanka ay iyaga soo dalbadeen in dalkooda la geeyo maadaama markii horeba ay xabsiga ku jireen sida uu sheegay iney u sheegeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda.

“Waxay ahaayeen dad aan ka warqabnay, annagane nalagu soo wargeliyey oo inoo sheegtay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, waxay ahaayeen 701 qof, waa markii Labaad oo la keeno dad sidan oo kale ah, waxay ahayd is faham ay gaareen safaaradda Soomaaliya u fadhisa Maraykanka, dowladda Marayka iyo hay’adda socdaalka, wax heshiis ah oo dowladda Maraykanka aan la galnay ma jiraan, laakiinse waxay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo xabsi ku jiray oo dalbaday  in dalkooda dib loogu soo celiyay” ayuu yiri wasiirka.

Markii la doortey madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa magaalada Muqdisho waxaa Labo jeer la keenay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dib looga soo celiyey dalkaasi.

Goobjoog News