U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ka Hadashay Keenista Qaadka Miirooga

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya in dalka la keenayo Qaadka dalka Kenya ee Miirooga loo yaqaano .

Qoraal ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in dalka aan la soo geli karin Qaadka dalka kenya welina ay saaran tahay xayiraaddii ay dowladda ku soo rogtay .

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii la soo geliyo dalka Jaadka Miirooga Amar la’aan ay Soomaaliya u aqoonsan doonto ku xad-gudub lagu xad gudbayo Hawadeeda .

“Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika,  waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ka soo baxay Dowladda ayaa ku soo adaya xilli dhawaan ay xukuumadda soo celisay Xiriirkeedii diblomaansiyadeed ee kala dhaxeeyay .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka