U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ka Hadashay Wixii u Qabsoomay Todobaadkii Tagay

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 06 June 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo Cisbitaal cusub xariga ka jaray, Shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo Wejigiisii labaad furmay, Danbiile Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay, Deegaanka Tooratoorow oo laga saaray kooxda Al-Shabaab, Lacago Been Abuur ah oo la qabtay, Masar iyo Soomaaliya oo heshiisyo iskaashi kala saxiixday, Dowladda Federaalka oo Markab u dirtey Qaxootiga Yemen, Qalab Caafimaad la gaarsiiyey Cisbitaalada Jabriiban iyo Cabdudwaaq, Horumarka Warbaahinta Dalka iyo Horumarinta Dhaqanka & Farshaxanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Cisbitaal cusub xariga ka jaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 4tii June 2015 xariga ka jarey Cisbitaal cusub oo loogu magac daray Sheikh Zaid Bin Sultan Al-Nahyan oo ay Dowladda Imaraadku Muqdisho ka hirgalisay, gaar ahaan Degmada Shangaani. Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Goddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Safiirka Dowladda Imaaradka Soomaaliya u fadhiya iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa ka qeybgalay xafladda furitaanka cisbitaalkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku amaanay mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo wajigiisii labaad furmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ayaa 31kii May 2015 si rasmi ah Cadaado uga furay shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu si rasmi ah u furo wajigii labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, wuxuuna shirkaan qayb ka yahay dadaalada xukuumaddu ay ku xaqiijinayso hiigsiga 2016, oo dalka looga dhisayo maamulada. Wajiga labaad ee shirka waxaa lagu ansixinayaa axdiga KMG ah oo uu yeelanayo maamulka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Wasaarada Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Gudiga Farsamadu iney iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba tabashooyinka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Farsamada dadaalkooda ku aadan ka miro dhalinta shirkan, wuxuuna ku booriyey odayaasha dhaqanka iyo ergada shirka ka qayb galaysa iney dadajiyaan habsami u socodka shirka. Xaliimo Ismaciil Ibraahim Gudoomiyaha guddiga farsamada ayaa ugu horeyn shirka furtay, waxaana ay sheegtay in Ergadu todobaadkan ay ka doodayaan nuqulada qabyo qoraalka Dastuurka KMG ee maamulka Gobollada Dhexe, ka dibna ay ansxin-doonaan.

Danbiile Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka Hay’adaha Amniga ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho ayaa lagu soo qabtay Libaan Cabdulahi Maxamed oo ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaliyeed ee UGUS, isla markaana lala xariiirinayo in uu ka dambeeyey dilal qorshaysan oo ka dhacay gobolka Banaadir. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yusuf Cismaan ayaa sheegay in horjoogahan lagu soo qabtay howgallo ay ciidamada ka sameeyeen duleedka Muqdisho. Horjoogahan ayaa ka qayb qaatay dilal faro badan oo ugu horeeyey Allaha u naxariistee Gaashaanle Sare Dhabareey oo ka tirsanaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha, sidoo kale Cabdifataax Barre Guure, Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir oo lagu dilay gudaha degmadaasi, iyo sidoo kale Cumar Ubax oo ka tirsanaa Wasaradda Gaadiidka. Horjooge Liiban Cabdullahi Maxamed oo markii uu howl galayo ayuu kooxda UGUS u isticmaali jiray magacyada Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdullahi. Ninka labaad ee la soo qabtay ayaa ah Aadan Cabdullahi Maxamed, iyagoo watay gaariga taargadiisa tahay EI1604. Inkastoo kooxaha Nabadiidka Al-Sahabab ay isku dayayaan in ay dhibaateeyaan bulshada ayaa hadana waxaa bar-bar socda howlgallo hay’adaha amniga ay kaga hortagayaan dhibaatooyinkaasi, iyadoo horey loogu guuleystey in la fashiliyo dhagaro badan oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Kooxda UGUS.

Deegaanka Tooratoorow oo laga saaray kooxda Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 2dii Juun 2015 weerar ku qaaday Deegaanka lagu magacaabo Tooratoorow oo hoostaga gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay hore dadka ugu dhibaateyn jireen maleeshiyaadka Ururka Gummaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen C.rasaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidamada ay galeen deegaankaasi iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah, isla markaana hadda lagu howlanyahay baaris lagu sameynayo xaafadaha si looga hortago in ay bulshada ku dhex-dhuuntaan kooxaha dhagarqabayaasha ee UGUS. Jen C/risaaq ayaa sheegay in ciidamada ay deegaankaasi ku soo dhaweeyeen dadka deegaanka isagoo sheegay in Salagle iyo meelaha ay ku harsanyihiin si dag dag ah ay ciidamadu u gaari doonaan. Deegaankan ayaa istiraatiiji u ah howlgalka maleeshiyaadka UGUS looga sifiyenayo deegaanada farakutiriska ah ee ay kaga harsanyihiin gobalka Shabeelaha Hoose isaga oo sidoo kalana marin muhiim ah oo ay isaga kala gooshaan u ahaa kooxaha argagixisada iyo kuwa ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama. Howlgalka ay ciidamada Xoogga kula wareegeen Deegaanka Tooratoorow ee gobalka Sh.Hoose waxaa sidoo kale Qeyb ka ahaa Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Lacago Been Abuur ah oo la qabtay

Ciidammada ammaanka ayaa 2dii Juun 2015 howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho ku soo qabtay lacago been-abuur ah iyo dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha nabadda diidan. Howl-galkaan oo laga sameeyay degmada Yaaqshiid, waxaa lagu soo qabtay jawaanno ay ku jirto lacago been-abuur ah oo Shilin Soomaali ah. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in lacag been abuur ah la soo daabacay, taas oo la doonayo in lagu dhaco hantida ummadda. Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadka lagu soo qabtay lacagtan been-abuurka ah iyo waliba dadka lagu tuhmayo inay ammaanka lidka ku yihiin.

Masar iyo Soomaaliya oo heshiisyo iskaashi kala saxiixday

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceymoy ayaa heshiis horudhac ah la galay dhigiisa Masar, kaddib kulan ay 1dii Juun 2015 ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi. Wasiir Ceymoy ayaa sheegay in heshiiska uu ku saabsanyahay sidii Wasaaradda Kalluumeysiga looga caawin lahaa tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga, qalabka lagu kalluumeysto iyo sidii looga faa’iideysan lahaa wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya. 4tii Juun 2015 ayaa sidoo kale waxaa heshiis is-kaashi kala saxiixday Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya iyo Masar. Heshiisyadaan ayaa qeexaya in la dhiirigaliyo ganacsatada labada dal inay maalgaliyaan mashaariic lawadaago ee khuseysa qaybaha wax-soosaarka ee Xoolaha, Beeraha iyo Kalluunka. Waxaa kale heshiisku si cad u sheegayaa in Suuqyada Masar loo furo si buuxda oo toos ah Xoolaha iyo hilibka Xoolaha Soomaaliya iyadoo laraacayo nidaamka caafimaad iyo xanaanayn ee labada dal ku heshiiyeen. Waxaa kale Dowlada Masar ay balan qaaday inay gacan ka gaysan doonto dhinacyada khibrada iyo aqoonta ee Beeraha, Xoolaha iy Kaluunka. Waxa labada dhinac ay sidoo kale isla garteen in suuqyada labada dal la isku furo in la is dhaafsada badeecooyinka iyo waxsoosaarka iyo kheyraadka labada dal.

Dowladda Federaalka oo Markab u dirtey Qaxootiga Yemen

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa 31kii May 2015 ka warbixiyay markab ay dowladda Soomaaliya u direyso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, si dalkooda dib loogu soo celiyo. Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in ganacsade Cabdi Cali uu ku yaboohay Markab qaadi kara 2300 markiiba si loogu soo daad gureeyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, iyadoo markabka la sii saaray raashin, biyo iyo dawooyin, si dadka la soo qaadayo ay u helaan gurmad dhan waliba leh. Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inta wax haysata, inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo walaalahood ku soo noqonaya dalka iyo kuwa kale ee barakacayaasha ah. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in dadka dib dalkooda loogu soo celinayo ay ku jiraan qaxooti u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo ay sheegtay in xilligan bulshada looga baahanyahay inay gurmad u fidiyaan, maadaama kolkii hore ay soo dhaweeyn u sameeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen u carartay.

Qalab Caafimaad la gaarsiiyey Cisbitaalada Jabriiban iyo Cabdudwaaq

Ururada Horumarinta Africa ee Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Ururka Caafimaadka iyo Waxbarashada Soomaaliya ayaa labo konteenar oo ka kooban qalab caafimaad ugu deeqay Cisbitaalada degmooyinka Jariiban iyo Caabudwaaq, waxaana soo raridiisa fududeeyay Jaaliyadda magaalada Seattle ee Gobolka Washington. Wakiilo ka kala socday Jariiban iyo Caabudwaaq, ayaa lagu wareejiyay qalabka caafimaad, kuwaasi oo gaarsiin doona Isbitaalada loogu deeqay. Cabdirisaaq Maxamed Xalane oo ah Wakiilka Caabuqwaaq ka socday ayaa Guddoomay saamiga qalabka ee ay lahayd degmada Caabudwaaq, halka Sadiiq Cabdulqaadir oo ahaa Wakiilka degmada Jariiban uu isna Guddoomay qaybta qalabka ee ay lahayd degmada Jariiban, waxaana ay ka mahadceliyeen qalabka la soo gaarsiiyay, iyagoo balan qaaday in ay gaarsiin doonaan halkii loogu talagalay. Qalabka Caafimaad ayaa imanaya xilli degmooyinka Jariiban iyo Cabudwaaq ay baahi wayn u qabeen kor u qaadida Adeegyada Caafimaadka.

Horumarka Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa 2dii Juun 2015 furay siminaar seddex cisho soconayey oo hay’adaha amniga iyo warbaahinta lagu barayey arrimo ay ka midyihiin badqabka Saxafiga, sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha amniga, Maxkamadaha iyo Warbaahinta, iyo arrimo kale. Tababarkan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Wasaarada Warfaafinta, UNSOM, Relief International iyo Kooxda taageerta Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Madaxa SMSG, Mr Jaco Du toit oo ka socda Hay’adda UNESCO oo ugu horreyn tababarka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedka tababarka uu yahay in la wada hadalsiiyo laamaha amniga iyo bahda Warbaahinta, si loo helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan dhinacyadaasi. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo furay tababarka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha soo qaban qaabiyay, isagoo xusay in dastuurka dalka uu qeexayo Xorriyadda Saxaafadda, loona bahan yahay in ay wada shaqayn wanaagsan dhexmarto bahda warbaahinta iyo hay’adda amniga dalka. Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xusay in 12-ka Juun Muqdisho lagu qaban doono shir muhiim ah oo ay ka soo wada qeyb gali doonaan Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada dhisan, Agaasimeyaasha guud, laguna marti qaado Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasi oo ay qaban qaabineyso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, si loo helo wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta guud ahaan Bahda Warbaahinta Soomaliyeed.

Horumarinta Dhaqanka & Farshaxanka Soomaaliyeed

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo baryahan waday dardargelin iyo dhiiri gelin dhanka Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha dhaqanka ayaa 2dii Juun 2016 barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha loogu furay arday ka kala socotay dugsiyada Degmada C/casiis. Gudoomiyaha Degmada C/casiis Mudane Cismaan Muxyadiin Cali ayaa sheegay in Afar Iskool loogu talagalay iney ku tartamaan ama ay muujiyaan barnaamijyo ka tarjumaya Nabadda iyo Isbedelka ka jira Dalka khaasatan Caasimadda, iyagoo farshaxan ku muujinaya aqoontooda iyo xirfadahooda dhanka farshaxanka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/saaq Cali Yuusuf ayaa bogaadiyey ardeyda tartameysa kuna dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaalkooda. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/llaahi Colaad Rooble oo furay tababarka ayaa sheegay in dhalinyarada tartameysa oo da’dooda aad u yar ay soo bandhigi doonaan xirfadahooda, kuna dhiirigeliyey inay waxa ay bartaan ay gaarsiiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee gobollada dalka oo dhan. Bandhiggaan ayaa waxaa u ka socday Todobaadyadii la soo dhaafay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo dhallinyarada ka qayb-geleysa ay ku soo bandhigaan Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha dhaqanka dalka Soomaaliya.

DHAMAAD