U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ka Hadashay Ciidamo Maanta Ku Dagaallamay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay dagaal maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Ceelgaabta iyo sidoo kale bar koontarool oo ku taalla Tiyaatarka qaranka, waxaana dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan.

Dagaalkan waxaa ku dhintey ku dhowaad Shan Askari oo ka kala tirsanaa ciidankii isku dhacay.

Taliyaha NISA C/laahi Maxamed Cali oo ka hadlay warbaahinta dowladda wuxuu sheegay in dhacdadan guddi loo saaro, islamarkaana caddaaladda la horgeyn doono cid walbo oo yeelata mas’uuliyadda wixii dhacay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca ciidamada xasilinta caasimadda iyo kan dowladda waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawacana allaha caafiyo, waxa uu shilku ahaa mid nasiib darro ah, ma ahayn isku dhac qorsheysan..waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in dowladda aanay dhaliilsan doonin dhacdadan, cid kasta oo qaladkeeda kusoo cadaadana tallab adag oo lagu qanco ayaa laga qaadi doonaa….waxaa loo saari doonaa guddi madaxbanaan oo arrintan si dhab ah usoo baara..waa shil dowladda dhexdeeda ah oo u dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa Milatariga ee ilaalada ka hayey nawaaxiga madaxtooyada” ayuu yiri Taliyaha.

Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo isna sidoo kale ka hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa sheegay in wixii maanta dhacay ay aad uga xunyihiin islamarkaana aanay ahayn wax qorsheysnaa.

“Waxaan wax qorsheysan ma ahayn, haddii ay ahaan lahaayeen illaa hadda ayeey sii socon lahaayeen, dadka raba iney wax sii socdaan waxaan leeyahay ma soconeyso, dadkaan waa hal ciidan, waa cidan Soomaaliyeed oo amniga ku howlan” ayuu yiri wasiirka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News