U bood dhigaalka

Dowladda Oo La Wareegtay Qalab Lagu Maamuli Doono Hawada Dalka

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adda ICAO kala wareegtay qalab dhameystiran, kaasi oo lagu maamuli doono hawada dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Kulmiye Xirsi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qalabkaan uu yahay muhiim, islamarkaana lagu maamuli doono hawada dalka.

Waxa uu sheegay wasiirka in qalabkaan uu sahli doono in muddo dhowr iyo Labaatan sano ah kadib hawada Soomaaliya laha maamulo Muqdisho.

Sidoo kale wasiiru dowlaha mar uu ka hadlay qorshaha guud ee dowladda kula soo wareegeyso maamulka hawada ayuu sheegay in meel gabogabo ah marayso.

“Waxaan maanta qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kala wareegnay Hay’ada ICAO, waan kaga mahad celineynaa Hay’ada sida ay noo taageertay, qalabkaan wuxuu sahli doonaa in mudo dhowr iyo labaatan sano ka dib hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

“Qalab dhameystiran ayaan kala wareegnay Hay’ada ICAO, meeshii aan ku shaqeyn laheyn way inoo diyaarsan tahay, waxaa inoo harsan shaqaalihii hawsha qaban lahaa oo hada ku shaqeeya xarun ku taala dalka Kenya” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Dowladda ayaa la filayaa in bisha October ee sanadkaan ay lasoo wareegto maamulka hawada dalka.

Goobjoog News