U bood dhigaalka

Dowladda oo lagu dhaliilay in ay ka gaabisay u gargaarida dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gabisay u gargarida shacabka ay abaaruhu ku saameeyen Gobolka Sool,

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdulaahi Jaamac oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in dowladda ay gaarsiiyeen cabashada shacabka dagan Gobolka Sool kadib markii ay kormeer ku tageen deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo abaaro ay ka jiraan, Balse sida uu sheegay Xukuumadu ay ka gabisay ka jawaabidda baaqaasi.

Xildhibaanka Waxa uu sheegay in xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah ay ka jirto deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Sool, halkaas oo dadku ay gaajo ugu dhimanayaan deegaanda Qaar.

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdulaahi Jaamac ayaa ku baaqaqy in loo gargaaro shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sool.

Guud ahaan gobollada Soomaaliya gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka waxaa ka jira abaaro, waxaana deegaanada qaar laga soo sheegay dad u dhintay gaajo iyo haraad.

Dowlada federaalka ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday iney dalka kajirto abaaro, waxeyna u saartay guddi wasiirro kuwaas oo kormeer ku tagey deegaanno ka tirsan gobolka Gedo iyo Hiiraan.