U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay In Ciidamo Ay Geyso Degmada Qoryooley Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qoryoole ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka codsaday in halkaasi ay geyso ciidamo amniga wax ka qabtay.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Xaaji Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in degmadaasi ay joogaan ciidamo deegaan ah, iyo kuwa AMISOM, balse aysan meesha joogin ciidankii dowladda.

Waxa uu tilmaamay in amniga ay hadda si wadajir ah u sugaan ciidamada deegaanka iyo kuwa AMSIOM, balse loo baahan yahay in dowladda ay ciidan geyso degmadaasi.

“Ciidamadii Milatariga ahaa horay ayeey degmada uga baxeen, waxaa dowladda looga baahan yahay in ciidan ay halkaasi keento, anaga ayaa sameynay ciidamo deegaan ah, waxaana la shaqeeya kuwa AMISOM” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay in xaalad caafimaad darro ay ka taagan tahay degmadaasi, ka dib markii hay’adihii ay isaga baxeen halkaasi.

Waxa uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in wadooyinkii soo galayay degmada Qoryooley ay amni darro ka taagan tahay, taasina ay keentay in la waayo cid Dawo geysa Isbitaalka degmadaasi.

Goobjoog News