U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay In Shaqo Abuur Ay u Sameyso Dhalinyarada Si Tahriibka Loo Joojiyo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan waxa ay maanta ka dhiibteen sida ugu haboon ee lagu joojin karo Tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed, ee qaarkood dhibaatada kula kulma dalalka shisheeye.

Waxa ay dhalinyaradaan sheegeen in sababta tahriibka ay ka mid tahay dhalinyaradii oo aan dalkooda wax shaqo ah ku haysan, taasina ay soo dedejiso inay raadiyaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku jiraan.

Cabdifitaax Axmed Jaamac oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadii lagu fikiro shaqo loo abuuro dhalinyarada ay sahlanaan lahayd in dalka aan laga tagin, islamarkaana aysan wadamo shisheeye ku silcin Dhaliyarada.

“Dhibaatooyinka dhalinyarada ku riixaya inay tahriibaan waxaa ugu horeeya shaqo la’aanta, maxaa yeelay hadii ay shaqo helaan, waxna ay baranayaan cid dalka ka tagi lahayd malahan, dalkana wuu dhismi lahaa” ayuu yiri Cabdifitaax.

Sidoo kale waxaa isla aragti midaan la mid ah qaba Maxamed Macalin Abukar oo dhalinyarada wax ku barta magaalada Muqdisho ka mid ah, waxaana uu sheegay in dhalinyarada Tahriibkooda lagu joojin karo wacyi gelin, iyo shaqo in loo abuuro.

“Qof Walba oo dhalinyaro ah waxaa tahriibka looga badbaadin karaa, in marka hore la siiyo door ku filan, ay helaan tixgelin, qeyb ka noqdaa arimahii bulshada, qaarkood dambi la’aan ayeey xabsi isaga jiraan, marka shaqo la’aan iyo cadaadis ay la kulmaan baa keenaysa in dalkooda ay ka kala cararaan” ayuu yiri Maxamed Macallin.

Inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka tahriiba dalka, waxaana ay la kulmaan badi dhibaatooyin, qaarkoodna badaha ayeey ku dhamaadeen.

Goobjoog News