U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay Inay Sii Deyso Dad Dhawaan Ay Ka Xirtay Munaasabad Ka Dhaceysay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdaalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo dad dhawaan ay ciidamada ammaanka dowladda Federaalka ka xireen mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay inay ka socotay munaasabad lagu maamuusayay dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH, iyo sidoo kale guur wadareed ay soo qaban qaabisay Hay’adda Imaam Qumeyni oo laga leeyahay dalka Iiraan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dadka xiran qaabka loo xiray aysan ahayn mid qaanuuni ah, balse uu u maleenayo inay tahay mid siyaasadeed, waxaana uu ku celceliyay baaqa ah in lasii daayo dadka hadda xiran.

“Qabashada dadkaan la qabtay ma ahan mid dambi ah ee waa mid siyaasadeed, waa dhallinyaro iska masaakiin ah oo baaga muundo ah, arrintaasi waxaan dhihi lahaa ciidamada habka ay u marayaan ha maraan qofka dambi galay cidda ay rabto ha noqotee xaq bay u leeyihiin inay tallaabo ka qaadaan, laakiin midda hadda dhacda dambi ay galeen ma ahayn waa dhallinyaro aan caqligooda ku filneyn, hadii meello ay ka dambeeyaan xisaabta si kale ha noqoto, laakiin dhallinyaradaan hala sii daayo” ayuu yiri xildhibaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisheeda amniga weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dadkaan la xiray khamiistii aynu kasoo gudubnay.

Goobjoog News