U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Shirkadda DP World

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Faysal Rooble oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa ka hadlay hadalkii shalay ka soo yeeray shirkadda DP World ee ahayd in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan.

Waxa uu tilmaamay in hadalkaasi meel ka dhac weyn ku yahay midnimadii iyo karaamadii Soomaaliya.

“Heshiiskani wuxuu meel ka dhac u yahay, isla markaana uu minjo-xaabin rabaa Soomaaliya, waxaa nasiib darro ah in Itoobiya oo xarun u ah AU, IGAD iyo AMISOM inay gacan ka tahay heshiiskaasi Saddex-geesoodka ah, waa arrin aad u xasaasi ah, waa arrin kusoo wajahan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale, aqoonyahan Faysal Rooble ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay degdeg wax uga qabato arrinta shirkadda DP World.

“Agaasimaha DP World si cad buu u sheegay inaanu Somaliland u aqoonsaneen Soomaaliya inay ka mid tahay, haddii Villa Soomaaliya arrinta u istaagto waxaa macquul ah in degdeg ay wax badan ka beddasho, arrintaanse haddii ay yareesato…[ha ogaato] dowladdu in arrintaan ay halis aad u badan keeni doonto”

Shirkadda DP World ayaa shalay sheegtay in Somaliland ay u aqoonsan tahay dal madaxbannaan 28-kii sano ee lasoo dhaafay.

Goobjoog News