U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Xadgudubka Kenya Ee Balad Xaawo

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxabannaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa ugu baaqay dowladda iney degdeg wax uga qabato xadgudubka dowladda Kenya ku sameysay degmada Balad Xaawo.

Xoghayaha guddigan, Liibaan Cali Sahal ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin xadgudubkan, wuxuuna tilmaamay in dowladda laga rabo jawaab cad iney ka bixiso.

Waxa uu sheegay xoghaye Liibaan in Kenya ay iska dhisatay qeyb ka mid ah B/xaawo, sidoo kalena ay burisay heshiiskii ku aadanaa arrimaha xuduudaha.

Arrimaha ka taagan B/xaawo ayuu sheegay xoghayaha iney tahay mid aan laga aamusi karin ayna muhiim tahay joojinta dhismaha darbigaasi.

Dowladda Kenya ayaa gudaha usoo gashay degmada B/xaawo, islaamarkaana waxay wadaan dhismaha darbi aad u dheer.

Goobjoog News