U bood dhigaalka

Dowladda oo Qurbajoogta Ka Talo Galineysa Sharciga Muwaadinnimada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo arrimaha federaalka ayaa biloowdey la tashiyo ay la leedahay qurbajoogta Soomaaliyeed kuwaasi oo ku saabsan sharci hawshiisa la wado oo ku saabsan muwaadhinimada Soomaaliya.

Waxa uu sharciga wax ka sheegayaa cidda qaadanaysa muwaadhinimada Soomaaliya, in qofka uu heysan karo labo jinsayadood, iyo qaababka lagu weyn karo muwaadhinimada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Cabdirishiid Xiddig ayaa ku sugan dalka Sweden halkaasi oo uu kulamo la leeyahay jaaliyadda dalkaasi, aragtidoodana wax ka weeydiinayo sharcigan cusub.

Waxaa barnaamijkani qeyb ka ah ciidamada AMISOM oo gacan ka geysanaya hawshan.

Soomaali lagu qiyaaso 2 malyuun oo qof ayaa dalka dibadiisa ku maqan, kuwaasi badankood ay heystaan jinsiyado kale iyo tan Soomaaliga ah.

Goobjoog News