U bood dhigaalka

Dowladda Oo Saacado U Qabatay Ahlu-sunna In Ay Isaga Baxaan Guriceel

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka galmudug ayaa laba saacadood u qabtay in ururka ahlu-sunna ay isaga baxaan magaalada guriceel.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadaadka hogaamiya kooxda iyo ciidamadiisa loo qabtay in magaalada ay ka qaatan dhaawacyada iyo maydadka kooxda magaaladana ay isaga baxaan sida dowladda ay sheegtay.

“Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbalay in maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee lagu go’doomiyay qaybo ka mid Guriceel loo furo wado ay ku baxaan, isla markaana la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo meydka ku qaataan.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowladda.
:Labo saacadood ayaa la siiyay Sheekh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo ee maanta.” ayaa la sii raaciyay hadalka dowladda ka soo baxay.