U bood dhigaalka

Dowladda Oo Shaacisay In Berri Kow Tahay Bisha Ramadan

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa shaaca ka qaadday in maalinta berri ah (Sabti)  ay tahay Kowda bisha Barakeysan ee Ramadan.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddaasi Sheekh Maxamed Kheyrow ayaa sheegay in caawa bisha laga arkay meello badan oo dalka ah, sidaasi darteedna berry ay tahay Kowda Bisha Ramada.

“Horey waxa ay Wasaaradda Awqaafta iyo Culimaa’diin ay ka midyihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Soomow iyo Sheekh Cali Maxamud Dheere waxa ay u sugeen in bisha shacbaan ay dhalatay Khamiis, sidaa darteed caawa oo Sabti ah waa Habeen Ramadaan ah, waxaana ay caawa sugnaatay dhalashada bisha Ramadaan” ayuu yiri Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta oo ka hadlay warbaahinta dowladda.

Goobjoog Media Group, waxay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeenaysaa bilashada bisha Barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News