U bood dhigaalka

Dowladda oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Cirka ee Baardheere

Sheeko:Dalka

War lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegey in hey’adda nabad suggida NISA unug ka tirsan ay ka dambeeyeen duqeyntii xagga cirka ee xalay ka dhacday meel 35km u jirta Baardheere, taasi oo la sheegey in lagu diley saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab.

Warka ayaa waxaa kale oo lagu sheegey in 14 ka mid ah Alshabaab lagu diley, oo ay ka midyihiin labo sargaal oo magacyadooda lagu kala sheegey Ismaaciil Jabhad iyo Axmed Qoslaaye.

Horey ayay biloowgii Ramadhaanka dowladda u sheegatay weerar kan oo kale ah oo ka dhacay Baardheere, laguna diley sargaal sare.

Goobjoog News