U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay In Ay Dishay Saraakiil Ajaanib Ah Oo Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowaladda ay ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka shabeelada hoose ay ku dileen xubna ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa howl-galkaan ka fuliyey deegaan lagu magacabo Aala-fuutow oo dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir kaxigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sidoo kale sheegay in guri ay ku sugnaayeen Al-shabaab ayna ku farsameynayeen qaraxyada uu qarax ka dhacay kadib markii mid ka mid ah waxyaabaha ay sameynayeen ay ku qarxeen .

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen horjogayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaas oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali.

Xubnaha shabaab ka tirsan ee goobtaas ku dhintay ayeey ciidamada dowladda ku sheegen in ka badan 55- dagaalyano shabaab ah oo ay ku jiraan 6 horjooge oo Ajaanib ah .

 

Goobjoog