U bood dhigaalka

Dowladda oo Sheegtay in ay Gacanta Ku Dhigeen Madaxii Sirdoonka Al Shabaab ee Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Howlgal ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo qabteen madaxii sirdoonka Al shabaab ee gobalkaasi, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan oo si gaara uga dhacay nawaaxiga deegaanka Janaale ayaa ciidanka xoogga waxa ay sheegeen in madaxii Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Shabeelaha hoose oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan Suleyt Ganeey ay gacanta ku soo dhigeen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka Sareeyo guut o Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in sarkaalkani ay ciidanka ka soo qabteen Janaale, isagoo dhuumaaleeysanaya kadib howlgalo ciidanka ay ka wadaan Janaale iyo nawaaxigiisa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, taasi oo suuragaliyay buu yiri in ay helaan xog fiican.

Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan sheegashada dowladda ee ah in ay gacanta ku dhigeen madaxii sirdoonka Al shabaab ee gobalka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News