U bood dhigaalka

Dowladda oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 40 Xubnood oo Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Howlgal ay siwadajir ah u fuliyeen ciidanka hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA iyo saaxiibada caalamiga ee taageera ayaa waxaa la sheegayaa in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Nuungarre oo 8km u jira kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay isku urursanayeen dagaalamayasha.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarrada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay Habeenimadii talaadada lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo kooxda ah.

Bayaanka wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in howlgalkaas lagu dilay 10 ajaanib ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalamayaasha kooxda oo ku sugnaa dhulka Beeraleyda ah ee hoostaga Bariirre.

Ciidanka NISA ayaa inta badan waxaa ay howlgallo ay ka fuliyaan deegaannada gobollada dalka waxaana inta badan ay sidoo kale sheegaan in howlgalladaas lagu dilo dagalmayaal ka tirsan  Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Goobjoog News